Wararka

Ra’iisul wasaare khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)  Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Mareykanka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa garoonka diryaaraha Aadan Cabdulle Cusmaan ku kusoo dhaweeyay qaar kamida Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo xildhibaanno.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mudadii uu safarka shaqo ku joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo mira dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka iyo IMF, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close