Wararka
Madaxweynaha Dowlad gobolledka koonfur galbeed oo kulama muhiim ah la yeeshay Sii hayaha Ergeyga Gaarka ah Ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Safiirka Soomaaliya Ujooga Mareykanka.
Madaxweynaha Dowlad gobolledka koonfur galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho Kullan kula Qaatey Sii hayaha Ergeyga Gaarka ah Ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Soomaliya ahna kuxigenka Wakiilka Raisedon Zenenga.
Kulanka maanta uu madaxwaynaha layeshay Raisedon Zenenga ayaa waxaa ay kaga hadlen in ay wada shaqeyn dhow Yeeshan, iyo sidii dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya gacan Looga Siin Laha furida waddoyinka ay Go’odoomiyeen Al shabab.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale kullan la qaatey Safiirka Soomaaliya Ujooga Mareykanka Donald Yamamoto, waxayna kawada hadleen kobcinta dhaqaalaha koonfur galbeed iyo sii Mareykanka Mashariciyo horumarineed ugu fulin laha Deeganada kgs.