Wararka
warsaxaafadeed laga soo saaray kulamadii uu ra’iisul wasaaraha XFS la qaatay dowladda Mareykanka.
Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay kulamadii uu ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga dowlada Faderaalka ay la qaateen dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaraddaha Arrimaha Dibedda, Gaashaandhigga, Maaliyadda ,hay’adda USAID, Bankiga aduunka, hay’adda lacagta aduunka iyo hay’addo kale.
warsaxaafadeedka oo nuqul ka mida soo gaaray muuqaal baahiyaha tusmo ayaa lagu cadeeyay in ilaa iyo sanadka 2020 go’aanka ugu danbeeya laga qaadan doono hanaanka deynta looga cafinayo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa kale ee uu ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii looga baahnaa ee ku aadan cafinta deymaha lagu leeyahay iyo dib u habeynta hay’adaha nidaamka kobcinta dhaqaalaha.
Waxaa la isku raacay in waddada kaliya ee lagu garab istaagi karo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay tahay in la sii ambaqaado qeybta ugu dambeysa ee barnaamijka go’aanka looga gaarayo deyn-cafiska Soomaaliya ugu dambayn bisha Febraayo 2020.
Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay codsiga dowlada Faderaalka ee ah in laga cafiyo deymaha lagu leeeyahay.
dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dardargelinta dhammaystirka barnaamijka deyn-cafiska si loo horumariyo dhaqaalaha dalka ayaa lagu yiri warsaxaafdeedka.