Wararka

shir u dhaxeyo wasaaradaha gargaarka heer Federaal iyo heer dowlada goboleed oo ku sabsan ka jawaabista gargaarka deg dega ah oo maanta ka furmay casimada.

Shir u dhexeeya madaxda wasaaradaha gargaarka heer Federaal iyo heer dowlada goboleed oo ku sabsan ka jawaabista gargaarka deg dega ah ayaa manta ka furmay Muqdisho,kaasi oo socon doona mudo labo casho ah.

Inta uu socdo Shirkan waxaa diiradda lagu saaraya arrimo laxiriira fulinta mashaariic laxiriirka ka jawaabista gargaarka deg dega ah,iyo maareynta musiibooyinka.

wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinasir Cabdi Caruush oo ku hadlay magaca mamaul goboleedyada ayaa soo dhaweyey qabsoomida shirkan,wuxuuna xusay in ay kala shaqeyn doonaan wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federalka Soomaaliya sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha bani’aadanimo ee kajira dalka iyo ka hortagga abaaraha laga cabsi qabo.

Wasiir kuxigeenka gargaarka XFS ayaa C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa si guud u faah faahiya ajandaha shirkan,Wasiir kuxigeenku wuxuu intaasi ku daray in mashruucan uu yahay mid horey heshiiskiisu ay u gashey wasaaradda gargaarka Soomaaliya,haatana loo baahanyahay oo kaliyah in la fuliyo.

Ugu dambeyntii Xamsa siciid xamsa wasiirka gargaarka dowladda Soomaaliya ayaa bogaadiayy miro dhalka shirkan inta uu socdo,isagoo kutilmaamay mashruucan mid ah miyad gaar ah u leh guud ahaan dalka,uuna sahlaya in laga jawaabo baahiyaha bani’aadanimo ee dalka iyadoo la kaashanaya hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca gar gaarka.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close