Wararka
Kulanka Golaha shacabka oo si rasmi ah u furmay.
Waxaa si rasmi ah u furmay Kulanki Afaraad ee Kalfadhiga 5aad ee Golaha shacabka Soomaaliya waxana soo xaadiray 144 Xildhibaa. Ajendaha kulanka manta ayaa ah kadoodista amniga iyo Dhaarin Wasiiro Magacaaban.
Wasiirka Arimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiq Xirsi Warfaa iyo Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Marwo Fawsiya Maxamed ayaa dhamaantood loo dhaarin doona xilalkooda cusub.
Waxaa kulanka shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.