Wararka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka tacsiyadeyay dil loogaystay wadde mooto bajaaj.
Qeyba badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay dibadbaxyo ay sameynayeen kumaan kamid ah dhallinyarada kaxeysa mootooyinka nooca loo yaqaano bajaajta kuwaas oo ka cabanayay tacadiya kala duwan oo ay la kulmaan inta ay ku guda jiraan hool maal meedkooda magaalada iyadoo banaanbaxani uu ka dhashay kadib markii dil loo geestay mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka bajaajta ah iyo rakaab saarnaa mootadaasi.
Wadooyinka magaalada casimada ee Muqdisho ayaa waxaa jid-xir ku sameeyay dhallinyarada kaxeysa mootooyinka bajaajta.
Dibadbaxyada ayaa saameeyay iskusocodka gaadiidka iyo shacabka, iyagoo wadooyinka ku gubbeyn taayero kunadhawaqayeen “cadaalad baan rabnaa”
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) oo hor imaday dibadbaxyaasha ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay labada ruux waxuuna sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin xad gudub loo geesto muwaadiniinta caasimadda ku dhaqan.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa kahadlay dhacdada manta isagoo balan qaaaday sida ugu dhaqsiya badan sharciga loo horkeeni doono gacan ku dhiiglihii dilka geestay.