Wararka
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo manta kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay dood ka yeshaan Ajendaha kulanka oo ku saabsan ka doodista amniga Qaranka oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amnidarro.
Sabtidii la soo dhaafay ayaa waxaa baaqday kulan ay Xildhibaanada Golaha Shacabka su’aallo ku saabsan xaalada amniga dalka ka weydiin lahaayeen Mas’uuliyiinta amniga dowladda Soomaaliya kadib sawaxan iyo buuq hareereyay golaha taas oo kadhalatay in qaar kamid ah Xildhibaanada ay diideen in Kulanka si toos ah warbaahinta u tabiso,halka qaar kalena ay ogaaleen.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu wargaliyay in manta kulan uu jiro islamarkaana soo xaadiraan.