Wararka
Madaxa golaha milateriga ee Suudan Cawad ibnu Cowf oo is casilay.
Laba maanlin kadib markii xilka lagala wareegay madaxwaynihii dalka Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir, waxaa isasoo taraayay dibadbaxyadii ay waddeen shacabka dalkaas waxaayna ugu sababeeyeen in xukunka isbadelkiisa aan waxba loo arag oo ay u bahanyihiin isbedal muuqda taas ayaana ugu danbeyn keentay in wasiirkii Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf oo ahaa Madaxa golaha milateriga ee Suudan uu is casilo.
Wasiirka Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka. Waxa uuna xilka ku wareejiyay Cabdulfataax Burhaan oo ah hogaamiye kale oo milateri.
Milateriga ayaa waxa uu ku adkaystay inuusan doonayn inuu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan dibadbaxayaasha.
Cawad Ibnu Cowf ayaa madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ninkaasi 2007.
Dibadbaxayaasha ku sugan magaalada Khartuum ayaa debaaldegay markii uu xilka banneeyay Ibnu Cowf .
Waxaa go’aan kaan soo dhaweeyay Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan, kaas oo si weyn uga soo shaqeeyay in dibadbaxyadu ay dalka ku baahaan, ayaa sheegay in go’aanka Cawad Ibn Cowf uu xilka ku banneeyay uu yahay mid “taariikhi ah” oo u soo hoyday dibadbaxayaasha.
Dibadbaxayaashu ayaa sheegay in ay guryahooda ku laaban doonin inta uu Milateriga xukunka isku badbadalaayo waxa ayna dalbanayaan in xukuumad madani ah xilka lagu wareejiyo ka hor inta aanay guryahooda ku laaban.