Wararka
wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo maanta muqdisho kasoo dagay.
Waxaa manta garoonka Aadan Cabdulle ka soo degay wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa. Waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa ugu horeen soodhaweeyay wasiirka cusub waxaa uuna kula dardaarmay in uu shaqadiisaa si wacan u guta isagoo Ebba ugu baryay in uu shaqada u fududeeya.
Waxaas Sidookale goobta ka hadlay qaarkamida Xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya oo uu kamid ahaa guddomiyaha guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Cise oo wasiir warfaa kawada tirsanayeen guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay in ay mar walbo garab tagan yihiin wasiirka cusub lana shaqayn doonaan.
Ugudanbeyn wasiirka cusub ayaa ka mahadceliyay soodhaweyntii loosameeyay sidookle waxaa uu u mahadceliyay Madaxwaynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre sida uu xilkaan uu ugu aaminay.