Wararka
Janaraal Cumar Zeyn Al Caabidiin “Bashiir waxaa lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka”
Militariga dalka Suudaan oo xukunka dalkaasi shalay lawareegay ayaa manta shir jaraa’id oo ay qabteen kaga hadlay xaalidihii ugu dambeeyay ee ka taagan wadanka suudaan.
Madaxa guddiga siyaaasadda ee militariga Suudaan, Janaraal Cumar Zeyn Al Caabidiin ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka isla markaasna aysan tarxiili doonin.
“Bashiir waxaa lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka” ayuu yiri Cumar Zeyn Al Caabidiin.
Waxaa uu sheegay in madaxweynihii xilka laga tuuray Al Bashiir uu hadda gacantooda ku jiro, Waxaa uu intaasi ku daray in muwaadin kasta oo reer Suudaan ah oo dambi galay aanan la horkeeni doonin maxkamad shisheeye ah inta ay golaha militariga ay hayaan awoodda dalka.
Isagoo kahadlaayo in ay suurta galtahay in dowlad shacab ka dhalan karto dalkaas ayuu sheegay in mustaqbalka dowlad rayid ah oo timaadda inay go’aamada ay wax ka baddali karaan.
Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa ku eedeeysay Al Bashiir inuu dambiyo dagaal ka geystay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.