Wararka
Afduub loogeystay Dhakhaatiir ajnabi ah oo ka hoolgali jiray Magaalada Mandheera.
Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya waxaa manta laga afduubtay Labo dhakhtar oo ajnabi ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil booliiska ka tirsan iyadoo lagu soo warramayaa in la dilay mid kamida Ilaaladoodii.
Dhakhaatiirtaan ayaa qayb ka ahaa mashruuc ay dawladda Kenya dhakhaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.
Gobaltooraha ismammulka Mandera Cali Ibrahim Robba ayaa shirjaraaid oo uu qabtay maanta kagahadlay dhacdadi maanta lagu aftuubtay dhaqaatiirta laguna dilay mid kamid ah ilaalada dhaqaatiirtaas.
Cali Ibrahim Robba ayaa u tacsiyeeyay umadda idil ee kenya kunool qasatan qoyskii uu ka geeriyooday wilkii askariga ahaa ee meesha lagu dilay.
Gobaltooraha ayaa falkaan ku eedeyay kooxda Alshabaab isagoo sheegay in aay sameyn doonaan wax kasto oo ay ku badbaadin karaan dhaqatiirtas.
Robba waxaa uu umadda dagan Suufka iyo kuwa ku nool Balad Xaawo ka codsaday in aay kawada shaqeyaan sidii lagu soo badbaadin lahaa dadkaas nabadana ay ku dadalaan.
Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka loogeystay dhakhaatiirta ajnabi ah.