Wararka

Itoobiya oo codsatay in“xal nabadeed” laga gaara xaaladda ka taagan Suudaan.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa codsatay in“xal nabadeed” laga gaara xaaladda ka taagan Suudaan, ka dib markii uu milatarigu awoodda ka maroorsaday madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo soddon sano xilka hayay.

War saxaafadeed ka soo baxday Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay sidan:

“Itoobiya waxay ku kalsoon tahay in dadka Suudaan ay ka tallaabi doonaan wakhtigan adag,

“Itoobiya waxay si buuxda u xushmaynaysaa xornimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka Suudaan, waxayna si niyadsami ah u rajaynaysaa in dhammaan dhinacyadu ay xal nabadeed u heli doonaan mashaakilka.

“Itoobiya waxay si dhamaystiran u fahamsan tahay ixtiraamaysaana rabitaanka dadka Suudaan, wayna garab taagan tahay.

Wixii  warkaan ku saabsan oo soo kordha halkaan ayaan idin ku soo gudbin donaa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close