Wararka
Maxkamada darajada 1aad ee magaalada Galkacyo oo dil ku xukuntay eedaysane gaystay kufsi.
Maxkamada darajada kowaad ee magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay xukun dil doogasha ku xukuntay Mukhtaar Cabdikaafi Hirsi Ahmed oo ku eedeysnaa inuu kufsi ugeystay Farax Jaamac faarax siyaad oo 6 sano jir ahayd.
Maxkamada ayaa sidookale eedaysane Mukhtaar Cabdikaafi Hirsi Ahmed ku xukuntay lacag magdhow ah oo dhan $5000 oo doolarka mareykanka ah.
Mukhtaar oo 36sano jir ah ayaa sidokale maxkamada cadeysay in uu la noolaa caabuqa cudurka HIV-AIDS.