Wararka

Gudoomiyaha aqalka sare iyo Wafdi uu horkacayo oo ku sugan Qatar oo kulamo gaar gaar ah halkaa kula qaatay madaxda baarlamaanka dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen. Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qatar waxaa ay shir gaar ah la qaateen Guddoomiyeyaasha Guddiyada:

1. Guddiga Saaxiibtinimada Qadar iyo Afrika; iyo
2. Guddiga Saaxbtinimada Qatar iyo Dowladaha Carabta ee Golaha Shuurada Dalka Qadar.

Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqaynta labada dhinac, isla markaasna la sameeyo guddiyo saaxiibtimo oo ka kooban Labada Aqal ee BFS, kuwaas oo gacan wayn ka gaysan doonna adkaynta xiriirka saaxiibtimo iyo kan walaaltinimo ee labada Dowladood iyo waliba wada shaqayn xooggan oo dhex marta labada Gole (Golaha Shuurada Qadar iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal).

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa sidookale shir gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Federationka (Aqalka Sare) Dalka Itoobiya Marwo Keria Ibrahim.

waxaa ayna kawada hadleen sidii loo adkeen lahaa xiriir wada shaqayn iyo aqoon is waydaarsi oo ay wada yeeshaan labada Gole.

Guddoomiyaha wuxuu u fidiyey casumaad Guddoonka Baarlamaanka Ethiopia inay ku yimaadaan Soomaaliya, kaas oo ay aqbashay, dibna xidhiidh ka soo samaynayso waqtiga ugu haboon.Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, indoorImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people smiling, people sitting, table and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close