Wararka

Kumanaan dibad-baxayaal reer Sudan ah oo maalintii shanaad wada ololahooda ka dhanka ah xukunka madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Kumanaan dibad-baxayaal reer Sudan ah ayaa maalintii shanaad wada ololahooda ka dhanka ah xukunka madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaga oo taagan dibedda xarunta ciidamada ee magaalada Khartoum.

Dibad-baxayaasha ayaa ku hareeraysan iskuna riixayey dhismaha ilaa xalay, ayaga oo heesaya islamarkaana ku qoob cayaaraya heeso kacaan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

“Habeenku wuxuu nagu dhaafay si nabdoon ayada oo aysan wax dhib ah dhicin” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah dibad-baxayaasha oo xalay oo dhan hortaagnaa xarunta.

“Waxaan aaminsannahay in taageerada aan ka heleyno ciidamada iyo booliska ay kordhayaan” ayuu yiri.

Dibad-baxayaasha ayaa ku dhiiranayey inay ka hortagaan sunta dadka ka ilmaysiisa ee ciidamada sirdoonka qaranka ay ku furayeen.

Ciidamada ammaanka ayaa talaadadii loo sheegay inay joojiyaan inay rasaas ku kala eryaan dibad-baxayaasha.

“Waxay hadda u muuqataa in booliska ay nala jiraan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka dibad-baxaya.

Dhinaca kale, kuwa daacadda u ah madaxweyen Al-Bashiir ayaa ku baaqay banaanbax isaga lagu taageerayo oo khamiista ka dhaca magaalada Khartoum, si looga hortago dibadbaxayaasha dalabanaya is-casilaaddiisa.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close