Wararka
Qaramada Midoobay cambaaraysay Dowladda dalka Myanmar oo xasuuq u gaysatay muslimiinta Rohingya.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in todobaadkii tagey ciidamada dalka Mayanmar ay gobolka Rakhine ku dileen dad badan oo ka soo jeeda muslimiinta Rohingya.
Hay’adda ayaa sheegtay in ay heleen warar ku saabsan dilka dadka rayidka ah oo lagu tilmaamay illaa 30-meeyo,sida ay ka dhawaajisay afhayeen u hadlay xafiiska Hay’addaasi oo lagu magacaabo Ravina Shamdasani.
Dowladda dalka Myanmar ayaa sheegtay in dadka la dilay ay gaarayaan 6-ruux,isla markaana ay yihiin waxa lagu tilmamay argagixiso.
Wargeys dhanka dowladda ah ayaa jimcihii sheegay in ciidamada ay dileen 6-qof,ayna dhaawaceen sagaal kale ka dib howlgal laga fuliyay magaalada Buthidaung oo la tilmaamay in ay joogaan dagaalyahanno muslimiin ah.