Wararka

Shirka Hay’adaha Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed oo maalintiisi labaad galay.

waxaa magaalada Kismaayo maalintii labaad kasoconaayo shirka Hay’adaha Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed. Sharkaan oo soconaayo seddex maalmood ayaa manta galay maalintiisi labaad.

Saakay waxaa furmey kulan gaar ah oo aay yesheen Guddiyada Dastuurka ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed waxaa ayna dood ka yeelaniyaan soojeedinta wax ka bedelka cutubyada 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad oo ay soo diyaariyeen Guddiga Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan.

Waxaa ay ka qaybgalayaasha Shirka Guddiyada Dastuurka isu qaybiyeen kooxo saddex ah oo kala ah: Kooxda 1aad oo ka doodaya Cutubka 6aad ee Baarlamaanka Federaalka, Kooxda 2aad oo ka doodaya Cutubyada 7aad iyo 8aad ee Laanta Fulinta, iyo Kooxda 3aad oo ka doodaya Cutubka 9aad ee Garsoorka.

Doodda kooxaha ka dib waxaa ay soo bandhigi doonaan aragtiyadooda ku aadan soojeedinta wax ka beddelka cutubyada.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting and tableImage may contain: 3 people, people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close