Wararka

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo si rasmi ah Garoowe ugu furmay.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa Goordhow si rasmi ah uga furmay Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

kullankaan ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan Guddoonka Baarlamaanada dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Dhexe kuwaasi oo shalay gaaray magalada Garoowe.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo warbaahinta la hadlay ayaa araja wanagsan ka muujiyay shirka maanta Garoowe ka furmay oo ay kasoo baxaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Guddoonka Baarlamaanka maamulada Jubbaland,Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, ayaa dhamaantood shalay gaaray Garoowe waxaana ka maqan oo kaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,kaasi oo aan lagu Casuumin Shirka.

Maqnaashaha Cali Gacal Casir, ayaa  Sabab looga dhigay khilaaf ka dhex jira Madaxda ugu sarreysa dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaasi oo haatan kala dagan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close