Wararka
Xubnaha gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland oo manta ladhaariyay.
Munaasabad lagu dhaarinayay Xubnaha gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa manta ka dhacday gudaha Xarunta Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.
Gudigan oo ka koban 7 Xubnood ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhaarintooda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo qayb ka mid ah Wasiirada Jubbaland.
Gudigan ayaa dhaarinta ka dib la filayaa in ay shaqadooda guda galaan waxaa guud ahaan deegaanada Jubbaland ka bilaabanaya Olalaha doorashoooyinka Jubbaland kuwaas oo ay mudo koobani ka dhimantahay.