Wararka

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BFS oo gaaray magaalada Garoowe.

Wafdiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BFS Mahad Cabdalla Cawad oo ay ku jireen Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan iyo Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedyada Dalka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa,wuxuuna sheegay in garoowe  inta ay joogaan kaga qeyb gali doonaan shirka Golayaasha sharci dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,uuna ka rajeynaayo in ay kasoo baxaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,waxaana uu si rasmi ah uga furmi doonaa magaaladda Garoowe maalinta berri ah,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close