Wararka
Ururka Haweenka Ku Jira Aqalka Sare Ee Dalka Oo Doortay Hogaan Cusub
Kulan lagu dooranayay guddoonka cusub ee Ururka Haweenka ee ku jira Golaah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ururka Haweenka ayaana sameeyey isbedel ku aadan dhanka guddoonka,waxaana la doortay,guddoomiye, 2 kuxigeen iyo Xoghayah guud Ee ururkaasi.
Dhowr Murashax ayaa isu Soo Taagay Waxaan Ugu Dambeyntii Xilalka Loo Tartamayay Ku Kala Guuleystay
Senator Jawahir Axmed Cilmi Oo Loo Doortay Guddomiyaha Ururka
Senator Fadumo Xasan Aadan Gariyow iyo Senator Nuura Faarax Jamac Waxa Loo doortay Gudoomiye Ku Xigeenada Uruurka
Xilka 3aad Ee Loo tartamayay Oo aha Xog-hayaha Ururka Waxa Ku guuleystay OoLoo Doortay Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama.
Hlaka Khasnajiga Ururka loodoortay Samsam Ibraahim Cali