Wararka
Wasiiru-dowladaha wasaradda maaliyada Dowlada Puntland oo kormeeray Xarumaha Canshuuraha ee Magalada Garoowe.
Wasiiru-dowladaha wasaradda Maaliyada Dowlada Puntland Mohamed C/qaadir Cismaan ayaa kormeeray shaqo ku tagay xafiis yadda daqli qabbashadda ee wasaaradda maaliyadda ee gobalka Nugaal gaar ahaan caasimdda Puntland ee Garoowe kuwaas oo aay kamid ahayeen labada koontorool ee magaalada, Xafiiska Canshuuraha barigga, ee laboorka iyo xarunta wasaaradda hoowlaha guud iyo gaadidka dowladda Puntland.
Socdaalka wasiirka ayaa salka kuhaayay siddii dabagal loogu sameeyn lahaa loona ogaan lahaa sidda uu u qabsoomay isbadal iyo kala wareegtin lagu sameynaayay shaqaalaha xafiiska daqli qabashada wasaaradda dowladda Puntland oo uu dhawaan amray wasiirka wasaaradda maaliyadda Xassan Shirre Abgaal.
Wasiiru-dowladaha wasaradda maaliyada DowladaPuntland oo lakulmay wasiir ku xigeenka hoowlaha guud iyo gaadiidka iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas ayaa waxaa aay kawada hadleen siddii loo dar-dar gallin lahaa qaadashada sharciga wadista gawaarida iyo siddii loo tayeen lahaa ciddamada taraafikada si looga hortaga shillalka gadiidka.
Arrintaan ayaa kusoo beegmayso xilli aay dabayaaqaddii mishii maarso ay Baarlamaanka dowladda Puntland meel mariyeen miisaaniyadda dowladda Puntland sannadka 2019.