Wararka

Gudoomiyaha golaha aqalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo furay kalfadhigii 5-aad ee golaha aqalka sare.

Gudoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa furay kalfadhigii 5-aad ee golaha aqalka sare,Waxaana furitaanka kalfadhiga golaha aqalka sare ka qeybgalay  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, qaar ka mida gudoomiyayaasha baarlamanaada dowlad goboleedyada iyo  masuuliyiin kale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbada ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga golaha aqalka sare ayaa ku dheeraaday waxqabadka dowlada faderaalka soomaaliya waxaana uu soo hadal qaaday arrimaha amniga oo uu sheegay in ay tahay masuuliyad wadareed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowlad goboleedyada ay kala heshiiyeen nidaamka doorashooyinka soo socda oo lagu waddo in aay dalka ka dhacdo 2020-2021.

“Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadu waxay dhameystireen waxkasta oo kamid ah geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya si dalka ay doorasho uga dhacdo 2020-2021, Dowladda dhexe waxay dhamaystirtay soo celinta Qarannimadii Soomaaliya, madxafkii Qaranka, Maktabaddii Qaranka, iyo Taalooyinkii Qarankaba dhawaan waad arkaysaan” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.

Gudoomiyaha golaha aqalka sare cabdi xaashi cabdillaahi oo furay kalfadhiga 5-aad ee golaha aqalka sare ayaa dulmar ku sameeyay waxyaabihii uu soo qabsoomay kalfadhigii 4-aad e golaha shacabka

Gudoomiye cabdi xaashi ayaa soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya labada aqal baarlamaanka dalka waxaana uu golaha shacabka ku eedeeyay in aysan dhab ka aheyn wada hadal ay yeeshaan labada gole.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed C/,llaahi Farmaajo ayaa la filayay in uu furo kalfadhiga 5-aad ee golaha aqalka sare inkastoo aysan aheyn waajib dastuuri ah in uu madaxweynuhu furo golaha aqalka sare marka loo fiiriyo golaha shacabka oo uu dastuurku farayo.

Labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa si kala gooni ah u furtay kalfadhigooda 5-aad iyadoo ay weli ay xusid mudan tahay in uu jiro khilaafka u dhexeeya labada aqal ee baarlamaanka dalka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close