Wararka
kulankii 1-aad ee Xildhibaanada golaha shacabka oo markale baaqday.
Iyadoo maanta lagu waday in Xildhibaanada golaha shacabka ay yeeshaan kulankoodii ugu horeyay ee kalfadhiga 5-aad ee golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay in guud ahaan uu baaqday kulankii maanta.
Sababta uu kulanka golaha shacabka maanta u baaqday ayuu gudoonka golaha shacabka ku sheegay kooram la’aan.
Waa markii 2-aad oo uu baaqanayo fadhiga golaha shacabka,sabtidii ayay aheyd ka dib markii uu kulanka golaha shacabka u baaqday kooram la’aan.