Wararka
Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay wado dhexmarta xaafadaha degmada xamarjajab..
Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhagax dhigay wado dhexmarta xaafadaha degmada xamarjajab.
Dhagax dhiga waxaa ku wehlinayay gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda G/banaadir Maxamed Abdullahi Tuulax, iyo masuuliyiin kale oo tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-JaJab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.
Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicda magalada, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan.
Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab.