Wararka
3 Ruux Oo Muhaajiriin Ah Oo Afduub U Geystay Markab Isla Iyaga Soo Badbaadiyay.
Seddex muhaajiriin Africaan ah ayaa lagu xukumay maxkamada Maltese ee ku taala Jasiiradda Malta kadib mmarkii Lagu Eedeeyay In ay afduub u gaysteen Markab Badbaadiyay Kaa Oo Siday Booyado ku jirtay saliid Ganacsi.
Seddexdaan, oo aan wali qiran danbigooda, ayaa kamid ahaa 108 Afrikaan muhaajiriin ah oo aay soo badbaadiyeen cidamada maltese.
Wiilashaan ayaa Sidoo Kale lagu Edeeyay in aay u goodiyeen kabtankii waday markabka iyo shaqaalihii saarnaa iyagoo ku amray in uusan dib ugu celin liibiya oo uu geeyo malta.
Cidamada maltese oo ilaaliya xaybta Valletta ayaa khamiistii gudaha u galay markabka iyagoo sidaas ku soo bad-baadiyay markabkii iyo dadkii sarnaaba.
Ugu danbeyntii Eedaysanayaasha oo ay da’dooda tahy; 15, 16, iyo 19 sanno jir ayaa laba kamid ah ayaa Waxay u dhasheen waddanka Guinea halka midka kala uu u dashay dalka Ivory Coas