Wararka

Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo dacwad ku aadan imaaraatka u gudbisay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah u gudbisay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay taas oo ka dhan aheyd safarkii uu dhowaan madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka imaaraatka carabta sida uu qoray wargeyska East African Business Week.

Qoraalka wargeyska ayaa lagu sheegay  In dowlada Faderaalka ay Qaramada Midoobay u gudbisay In dowlada Imaaraatka ay faragalin ku heyso Madaxbanaanida Soomaaliya .

U qaabilsanaha Somaliland ee Kenya cumar baashe oo u waramayay wargeyska ayaa sheegay in ay ka xun yihiiin ashtakada ay dowlada Faderaalka u gudbisay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay  taas oo ku aadan socdaalkii madaxweynaha somaliland muuse bixi uu ku tagay magalada Abu Dubai dalka Imaaraatka carabta.

Ma jirto xaqiiq rasmi ah oo cadeyneysa in dowlada faderaalka ay golaha amaanka u gudbisay warqad ay kaga cabaneyso Imaaraatka carabta marka laga reebo wargeyska East African bussines week.

Weli waxaa jira khilaafka u dhexeeya dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Imaaraatka ka dib markii dowada faderaalka ay dalka ka ceyrisay shirkada DPworld isla markaana uu imaaraatku joojiyay taageeradii uu siin jirey dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in mashaariicyo badan uu imaaraatku ku fuliyo Somaliland iyadoo shirkada DPworld ay maamusho dekeda berbera.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close