Wararka
Shir Looga hadlaayo Mideynta Waxbarashada Dalka Oo ka furmay Magaaalda Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saaka waxaa ka furmaya shir looga hadlayo midaynta Waxbarashada dalka, kaas oo ay ka qayb-galayaan Wasaaradda Waxbarashada dalka iyo wakiillo ka socda Dawlad goboleedyada.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii Manhajka Waxbarashada Dalka loo midayn lahaa, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka, si sare loogu qaado tayada Waxbarashada.
Arrimaha kale ee laga hadlayo waxaa ka mid ah wada-shaqaynta hay’adaha Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed, taas oo xoojinaysa iskaashiga labada dhinac ee loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed.