Wararka

Mareykanka oo walaac ka muujiyay tijaabo ay sameeyeen Ciidamada cirka Hindiya.

Mareykanka ayaa qeylo dhaan kasoo saaray dhibaato dunida kasoo wajihi karta tijaabo ay ciidamada cirka ee dalka Hindiya ka sameeyeen hawada sare.

Ku simaha wasiirka difaacada ee Mareykanka ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta tijaabadii ay Hindiya ku sameysay hubka lidka ku ah qalabka satellite-ka, kaasoo ay Arbacadii ku burburisay mid ka mid ah satellite-yadeeda.

Patrick Shanahan ayaa sheegay in Mareykanku ay wali daraaseynayaan cawaaqibka ka dhalan kara tijaabadaas, halka xukuumadda Delhi ay ku adkeysatay in howlgalkeeda uusan halis abuureynin.

“Farriinta  aan dirayo waa: Dhammaanteen waxay nolosheenna ku xiran tahay hawada sare, yeynaan halkaas ka sameynin isku dhex yaac. Hawada sare waa inay noqoto meel aan howlaheenna ku wada fulin karno. Hawada sare waa meel la doonayo in dadku ay si xor ah uga wada howl galaan”, waxaa sidaas warbaahinta ku yidhi Mr Shanahan oo shir jaraa’id qab tay ka dib tijaabada ay sameysay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close