Wararka

Shir Deg Deg Ah Oo Ku Saabsan xal u helidda Amniga Magaalada Boosaaso oo ka socda  gudaha Boosaaso.

Shirkan oo ay xaadir ku yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga gobolka Bari ayaa looga arrinsanaya waxka qabashada xaaladda nabad gelyo ee degmada Boosaaso oo maalmahan ka sii daraysay.

Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo guddoominaya shirka ayaa mas’uuliyiinta kala duwan ee madasha ku sugan ka dalbaday in ay soo gudbiyaan ra’yigooda ku aaddan sida loo xaqiijin karo amniga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku wajahanyahay magaalada Boosaaso.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close