Wararka
Hadal jeedint Guddomiyaha Golaha Shacabka ee furitanka Kalfadhiga 5-aad.
Asallaamu Calleykum Wa Raxmatullahi Wa Barakaatuh.
Mudane Madaxweyne;
“Inta aan hadaljeedinteeda u sii gudagelin waxaan halkaan ugu tacsiyeynaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed dhibaatooyinkii ka soo gaarey shiqaaqooyinkii kooxda argagixisada ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Sidaasi oo kale waxaa inaga geeriyooday walaalo qaali ah oo ay ka midyihiin Marxuum Ex-Xil. Cusmaan Cilmi Boqore oo gacan ka xaq-darran dishay23kii Febraayo 2019, Wasiirkeenii Arrimaha Dastuurka Marxmuun Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo asagana geeriyooday 8dii Maarso 2019 iyo sidoo kale wasiirku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha X/Xil Saqar Ibrahim Cabdalla oo gacan ka xaqdarini dishey 23kii March 2019.
Waxaan dhammaan Alle uga baryeynaa in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, eheladdii iyo qaraabadii ay ka tageenna samir iyo iimaan Alle ka siiyo, annaguna gadaashood Alle nama fidneeyo – Amiin Amiin Amiin.
Mudane Madaxweyne, Xildhibaannada sharafta leh,
Kalfadhigii 4-aad ee aan soo dhaafnay waxa uu ahaa kalfadhi aad u shaqo badan,
Golaha wuxuu awood u helay in uu ansixiyo Miisaaniyadda sanadka 2019, Ansixinta ku noqoshada miisaaniyada 2018. Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamanka iyo Shan (5) Sharci oo kale oo muhiim ah
Kal fadhigaan maanta inoo furmayaa oo ah kalfadhiga 5-aad ayaa ah kalfdhi aad muhiim u ah marka loo fiiriyo shaqada hortaala Golaha Shacabka. Shaqooyinka horyaala waa kuwa masiiri ah oo hagayaa yoolka qaranka oo ah gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah oo ku dhisan hal qof iyo hal cod sanadka 2020-2021. Shuruucda iyo habraacyada hortabinta leh ee loo baahanayahay in lagu gaaro yoolka waxaa ka mid ah Sharciga Doorashadda 2021 dib – u- eegista Dastuurka iyo shuruucda kale oo aasaaska u ah Doorashadda 2021, Sida Sharciga Jinsiyadda iyo dib-u-eegista Sharciga Axsaabta badan.
Mudane Madaxweyne, waxaa kaloo jira Shuruuc kale oo muhiim ah oo Xukuumaddu Golaha u soo gudbisey oo heerar kala duwan maraya. Shuruucdaasi waxaa ka mid ah: Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM); Dib-u-eegista Xeerka Saxaafadda; Hindise Sharciyeedka Maareynta Batroolka; Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada; Hindise Sharciyeedka Waxbarashada Soomaaliya; Hindise Sharciyeedka Istaatistikida Soomaaliyeed; Hindise Sharciyeedka Naqshadaynta Magaalooyinka; Hindise Sharciyeedka Qaanuunka Shirkadaha; Hindise Sharciyeedka Bartilmaameedsiga Cunaqabatynta Dhaqaalaha; Hindise Sharciyeedka Duulista rayidka iyo Saadaasha Hawada; Dib-u-eegista Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo kuwa kale.
Mudane Madaxweyne:
Arrimaha Dastuurka
Sida aan horayba u soo sheegnay, Guddiga La-Socodka iyo Dib-u-Eegista Dastuurka wuxuu soo diyaariyay 5 Cutub oo kamid ah 15ta Cutub ee Dastuurka KMG ah, kaasoo lagu sameeyay dib u eegis ballaaran diyaarna u ah in lagala soo tashado xukumadaha, Golayaasha Xeer-Dejinta iyo Shacabka degan Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya si Dastuurka u noqdo mid ay shacabka Soomaaliyeed ka talo dhiibtaan.
Hase ahaatee, waxaa weli Xukuumadda Federaalka laga sugaayaa in la soo dhameystiro Qodobo gaar ah oo u baahan wadatashi siyaasadeed, sida Qod. 54aad ee awood qaybsiga islamarkaana Baarlamanka uu Ugu dodo Hadaba waxaan ku boorinayaa in ay Xukuumadda iska xilsaarto kawada xaajoodka Qodobada Dastuurka faraayo in si wadaxaajood ah go’aan looga gaaro
Mudane Madaxweyne:
Arrimaha Doorashooyinka Hay’adaha Qaranka:
Dastuurkeena wuxuu xeerinaya in xubnaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo xubnaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, si toos ah shacbiga usoo doorto si waafaqasan Qodobka 64aad Farqadiisa 1aad iyo Qodobka 72aad ee Dastuurka. Si ay u fududaato doorashooyinka aan fileyno in ay dalka ka dhacaan sanadka 2021 waxaan Xukuumadda fareynaa in si degdeg ah ay ku soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda.
Waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka, Shaqaalaha Golaha Shacabka iyo Ciidanka Ilaaladda ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya.
Ugu dambayntii waxaan Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M.ne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo si maamusan uga codsnaynaa inuu xilkiisa Dastuuriga ah gutto oo kusoo dhowaado hadaljeedintiis
Mudane Madaxweyne kusoo dhowow, adigoo mahadsan”