Wararka
Madaxweynaha Maamulka Jubland Iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo garey Magaalada Muqdisho ee Casimadda Dalka .
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa soo gaaray Magalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Magalada Kismaayo ee xrunta K.MG u ah maamulka jubland ayaa waxaa uu wataa ilaalo gaar ah,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Wasiiro ay ka mid yihiin Kan Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal.
Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.