Wararka

Xukuumadda Kabul oo walaac ka muujisay weerarada kooxda daalibaan.

Saraakiisah dalka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan qof oo ka tirsanaa laamaha amaanka lagu dilay weeraro kooxda Daliban ay ku qaadeen gobolka koonfureed ee Helmand ee dalkaasi.

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkani uu ahaa mid ka mid ah weerarada culus ee kooxdu maalmihii lasoo dhaafay fulineysay.

Ururka Daalibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa gacanta ku haya inta badan tuulooyinka ku yaala gobolka koonfureed ee Helmand.

Weerarka ayay kooxdu ku qaaday saldhiga milatari ee Sangin halkaasi oo ay Daliban ay gacanta ku heyso tuulooyinka dhaca bartamaha gobolka.

Weerarkaan ayaa kusoo beegamaya maalin kaddib markii weeraro isxigxigay oo loo adeegsaday bambooyin lagu qaaday caasimada gobolka Helmand.

Dhanka kale magaalada Kunduz ee gobolka waqooyi ayaa saraakiisha xukuumadda Afghanistan waxa ay sheegayeeen in ku dhawaad 60 dagaalyahannada Daalibaan ah ay ku dileen duqeymo cirka ah.

Duqeymahaasi ayaa waxaa ku dhintay qoys ka koobna 14 qof oo ay jireen sagaal caruur ah kuwaasi oo halkaasi ku dhintay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close