Wararka
Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ayaa xukun 6-sanno oo xabsi ah ku riday laba eedeeysane.
Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ayaa xukun 6-sanno oo xabsi ah ku riday Xuseen Cali Maxamed Muudey iyo C/qaadir Xaafid Xaaji Cali kuwaas lagu eedeeyay in ay ka tirsanayeen kooxda daacish.
Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa Al-shabaab, iyagoo ku sii biiray kooxda daacish sida ay maxkamadda ka hor qirteen.
20/11/2018 iyo 14/11/2018.ayay ciidamada amnigu gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaashan sida lagu xusay warbixinta laga horsheegay maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.
Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u sheegay xukunka ku dhacay eedeysanayaasha kaas oo ah 6-sano oo xabsi ah.
Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.