Wararka
Amaanka Masaajidyada wadamada qaar oo sare loo qaday.
Waxaa aad loo adkeeyey amaanka masaajidyada ku yaala agagaarka magaalada Birmingham ee dalka In giriiska ka dib markii shan qof weerar lala beegsaday.
Masaajidyada caalamka ayaa sidoo kale la adkeeyey ammaankooda ka dib weerarkii dhimashada badan sababay ee Jimcihii lasoo dhaafay lala beegsaday dad muslimiin oon waxba galabsan oo ku kala jiray laba masaajid oo ku yaala magalada christchuch ee dalka New Zealand.
Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa la shaaciyey ka dib markii subaxnimadii Khamiista ahayd la dhagaxeeyey daaqadaha masaajidka.
Wali lama xaqiijinin ujeedka laga lahaa weerarkan, sida ay sheegeen booliska galbeedka Midland.
ugu yaraan 50 ruux ayaa ku shahiiday weerarkii waxashnimada ahaa halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Adil Parker, oo ka mid ah guddiga masaajid ku yaala magaalada Birmingham ayaa sheegay in bulshada ay dareemayso cabsi badan iyadoo malinba malinta kadanbayso aay soo badanayaan werarada loo gaysanaayo dadka muslimiinta ah.