Wararka
Wafdi uu hogaaminaayo wasiiru Dowlaha Gaashandhiga XFS oo gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay.
Wafdi uu hogaaminaayo wasiiru Dowlaha Gaashandhiga Xukumadda Fedaralka soomaaliya Maxamed Cali xagaa aya maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay,
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboledka koonfur Galbeed soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada kg C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa wafdiga wasiirka uu Hogaamineya ku soo dhaweyay Magaalada Baydhabo.
Wafdiga ayaa kullan la qatay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada KGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye waxan kullanka Goob jooog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib-uheshiisiyiinta mamulka koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed.
Maxamed Cali xaga Wasiiru Dowlaha gaashandhiga Xukumadda Fedaralka soomaaliya aya ka hadaley Ujeedka ay usoo gaareen Magalada Baydhabo ayaa sheegey in ay tahay sidi qeybta 60-aad ay ugu xuli lahayeen ciidan cusub oo Isku dhafan.
Guud ahaan Dalka soomaaliya waxa ka socoda Diiwan galin iyo isku dhaf lagu sameynaayo Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed si loo helo ciidan leh tayo iyo tiraba .