Wararka
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo soo xeray shir looga hadlayay Awoodaha Heerarka Dowladda.
Shirkan oo socday sidax maal mod oo ay soo qaban qabisay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta xukumadda fedraalka soomalaiya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho iyadoo diirada loogu saaray nidaamka federaalka ah iyo awoodaha dowladda.
waxa ka qeyb galaya qeybaha bulshada ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulka Gobolka iyo Madax kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo soo xeray shirka ayaa sheegay inay wasaaradu balaarinayso wadatashiyada la xiriira awoodaha heerarka dowladda si loo helo hannaan dowladeed oo la isku raacsan yahay kuna dhisan rabitaanka bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa u mahad celiyay ka qeyb galayaasha shirka iyo sida ay uga doodeen waxyaabihii laga wada hadlayay inta uu socday.
Sanatar Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka tirsan Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada hadlo nidaamka dowladeed ee maanta jira uuna noqdo mid xoojiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda.
Soomaaliya nidaamka dowladeed ee maanta ka jira waxaa uu ku dhisan federaal oo macnihiisu yahay qeybinta awoodaha dowladda iyo adeegyadda bulshada si loo gaaro horumar waara waxaase uu baahan yahay in laga wada hadlo nuuca ku haboon dalka iyada oo ay dadku go’aan ka gaarayaan.