Wararka
Gudiga Joogtada ah Ee Golaha Shacabka Ayaa Ka Shiray Mideynta Furitaanka kal Fadhiga 5aad Ee Glaha Shacabka.
kulanka 1-aad kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ayaa Si Rasmi ah Kaga Furmay Magaaalda Muqdisho.
Kulanka Oo Inta Badan ay Soo Xaadireeen Xubnaha Gudiga Jogtada ah Ayaa Ajendaha kulanka ah muddeynta furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,Ayaa Ah Shir gudoonka Kulanka Gudiga Iyadoona La Filaayo In Gabagabada Kulanka Guddigu ay shaacin doonaan waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Kulanka Golaha Shacabka.
Qorshaha Furitaanka Kalfadhiga 5aad ayaa ah In La Qabto Munaasabad Labada Gole Ee baarlamaanka Loogu Furayo Kalfadhigooda 5aad In Kastoo Furitaanka kalfadhiga 4aad Ee Labada Gole Ay Sanadkii Hore Diideen Golaha Aqalka Sare In halmar Munaasabad Lagu Wada Daahfuro Kal fadhiga
Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana lagu wadaa in uu ka qeybgalo munaasabada lagu daahfurayo kal-fadhiga 5aad ee golaha Shacabka.