Wararka
Ciidamada Dowladda oo kasoo baxay Saldhigyo ay ku lahaayeen Sh/Dhexe.
Tiro gaadiid oo ay saarnaayeen ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliyaa ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ka dib markii ay isaga soo baxeen furimo ay kaga sugnaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.
Ujeedka ciidamada ay isaga soo baxeen deegaanada Qalimow,Garsaale iyo degmada Mahadaay ayaa lagu sheegay mushahar la’aan ay bilihii ugu danbeeyay ay ciidamadu ka cabanayeen.
Tiro kale oo ciidmada xooga dalka ka tirsan ayaa ku haray deegaanada ay ciidamadu ka soo baxeen.
Todobadkaan gudihiisa ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidamada u diiwaangashan dowlada ay helaan mushaharaadkooda.
Dhowaan ciidamo kale oo ka tirsan xooga dalka ayaa isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee g/shabeellaha hoose iyagoo ka cabanayey mushaharaad la’aan heysata.
Badi deegaanada ay ciidamadu ka soo baxeen waxaa la wareegay al-shabaab mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada faderaalka soomaaliya.