Wararka

M/Weynayashii Hore Ee Dalka Ayaa War Ka Soo Sarey Dagaal Beleedka Ka Soo Cusboonaaday Qaybo Kamid Ah Gobolada Sh/Dhexe Iyo Gal-Galaduud.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen dagaalada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxaana uu ugu baaqay maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle inay u istaagaan joojinta dagaaladaas khasaaraha badan geystay.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baqay inay fiira gaar ah u yeeshaan kuwa maalgeliya colaadaha iyagoo ku riyoonaya in dadkoodu u aqoonsa doonaan iney yihiin halyeeyo beeleed isla markaasna illowsan ammarkii Alle iyo waxa aakhiro sugaya.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Xisbiga Hinilo Qaran ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxan uu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close