Wararka
Aljeeriya oo xukuumad kumeel gaar ah yeelatay.

Ra’iisulwasaaraha cusub ee Algeria iyo ku xigeenkiisa ayaa ballan qaaday in dhallinyarada iyo dumarku ay qayb ka noqon doonaan xukuumadda cusub.
Madaxwene Abdelaziz Bouteflika ayaa saddex maalmood ka hor ku dhawaaqay in uusan xilka isu soo taagi doonin markii shanaad. Balse dad badan oo reer Algeria ah ayaa doonaya in uu durba is casilo.
Labada masuul ee dalka loo magacaabay oo kala ah Ramtane Lamamra iyo Noureddine Bedoui ayaa isku dayaya in ay dajiyaan xiisadda ka taagan dalka, waxayna sheegeen in madaxweyne Bouteflika uusan rabin in uu xilka sii hayo, isla markaasna uu aad u koob naan doono xilliga kala guurka ah oo uusan hal sano ka badan doonin.
Madaxweyne Bouteflika ayaa xilka hayay muddo 20 sano ah wuxuuna xafiiska sii joogi doonaa inta doorasho laga qabanqaabinayo.
Balse wali wakhti lama cayimin, qaar badan oo shacabka ka mid ahna waxay shaki ka qabaan muddada la qaban doono.
Dadka reer Algeria ee waddooyinka ku sheekaysanaya ayaa sidoo kale doonaya in ay xukunka ka dagaan xulafada madaxweynaha ku xeeran.
Masuuliyiinta ayaa isku dayaya in ay cabashooyibkaas wax ka qabtaan,waxayna mucaaradka ugu baaqayaan in ay ka qayb qaataan, waxayna sheegeen in masuuliyiinta dawladda cusub ay noqon doonaan aqoon yahanno.