Wararka
Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in bisha May la qaban doono Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Bisha May ee sanadkaan la qaban doono Imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Imtixaanka ay u fariisan doonaan 45-kun oo arday, kuwaas oo uu kula taliyey iney muujiyaan diyaar garow dhameystiran labada bilood ee soo socota.
Jaamacadaha Dalka ayuu fariin u diray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Kuwaas oo uu u sheegay inaaney diiwaan galin arday aan soo galin imtixaanaadka ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya.
Cabdullaahi Goodax waxa uu kula dar daarmay waalidiinta iney qaataan kaalintooda oo ay ardayda kala shaqeeyaan shuruucda imtixaanaadka.
Ugu dambeyn Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka codsaday Maamulada Gobolada Dalka in ay kala shaqeeyaan qabsoomidda imxitaanaadka, gaar ahaana dhanka xaqiijinta amniga.