Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinaya xiritaanka shir madaxeedka Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lafilayaa in khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka uu ka jeediyo xiritaanka shir madaxeedka Africa now oo ay joogaan wafuud ka kala socota dalalka Afrika.
Shir madaxeedka Hoggaamiyaasha Afrika ee Afrika Now ayaa lagu wada in maanta lagu soo gaba gabeeyo magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda kaas oo shalay furmay.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wafuuda ka socota dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun waxaana shir-madaxeedkan looga hadlayaa sidii loo heli lahaa Afrika oo nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.
Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).