Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Dalka dib ugu soo Laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib Safaro shaqo uu ku kala tagay Dalalka Jordan iyo Turkiga.

Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha shacabka iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ku  soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Dalka Jordan kaga qeyb galay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta, isagoo Khudbad uu ka jeediyay madaxda Baarlamaanada Carabta ugu sheegay in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close