Wararka
Madaxeynaha puntland oo furay shir looga hadlayo maamul daadajinta qorshaha 5-ta sano ee socota.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Magaalada Garoowe ka daahfuray shir looga arrinsanayo dejinta qorshaha shanta sano ee xukuumaddiisa cusub .
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), golaha Wasiirada iyo Madaxda hayadaha ka howlgalla deegaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo shirka furay ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilligii loo baahnaa,isla markaana la dejinayo qorsha howleedka Golaha Wasiirada Puntland oo galaya Sanadkii ugu horeeyey.