Wararka
RW Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland oo manta kormeeray qaar kamida wasarahada Jubaland.

Rasilwasaaraha Soomaaliy oo uu Wahliyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa Kormeeray Xarumaha Wasardaha Qaar ee Dowlaada Gobaleedka Jubaland. Ra’iisal wasaaare Kheyre iyo Masuuliyinta Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa socdaalkooda Ka bilaway Xaruunta Wasarada Arimaha Gudaha Dowlada Gobaleedka Jubalan.
Waasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa Ra’iisal wasarha , madaxweynaha jubalald Iyo masuuliyinta Kale Kaga Warbaxiyey habsami u Socodka Howlaha Wasarda.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa sheegay in ay kaalmo u baahan yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha iyo kuwa kasoo noqonaya xaryaha qaxootiga ee Dhadhaab, Kenya kuwaas oo ay ku adag tahay in ay la qabsadaan nolosha loona baahan yahay in shaqo abuur loo sameeyo. Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynahu in ay diyaarisay goobo ku wanaagsan kaluumaysiga iyo beeraha oo shaqo abuur looga samaynayo dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga loona baahan yahay doorkii Dowlada Federaalka ah.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay In dhawan ay bilaabi Doonaan Qorsha si Wada Jir ah ay u shaqeynayaan Wasaradaha Dowlada dhaxe Iyo kuwa Dowlad Gobaledyada.
Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaaraha dalka waxaa kale oo ay booqdeen Wasaarada Maaliyada iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha, Wasiirka ayaana sharaxaad ka bixiyay howlaha ay wasaaradu hada gacanta ku hayso.
13 Julay 2017-kii Ayuu Rasilware Kheyre Dhagax Dhigay Dhismahaan oo Noqondoono mid ay Ku wada Shaqeeyaan Dhamaan Wasaradaha Dowlad Gobaleedka Jubaland.