Wararka
Duqa Muqdisho oo Xaruntii Ciidanka Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidanka ee Degmada Cabdicasiis dib u soo celiyey.
Gudoomiyaha gobolka BanaadirC/raxmaan cumar cusmaan(Eng yariisow) ayaa amar ku bixiyey in si deg deg ah looga guuro xaruntii Ciidanka badda iyo gurigii taliyaha ciidanka badda oo kuwada yaalla degmada Cabdi-casiis, isla markaana dukumentiyadii lagala noqday ganacsatadii dhisatay dhulkaas.
Duqa muqdiso waxa uu sheegay in talaabo uu maamulka gobolka ka qaadi doono cidii aan u hogaansami amarkan.
“Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay”
Qorshahan ayaa ujeedadiisu yahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka.