Wararka

Ra’isul Wasaare Xasn Cali Kheyre Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay Magaalada Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada  Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbaland iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalada xeebeedka Kismaayo.

Soo Dhoweyn Ka Dib Waxaa Wafiga Ra’isul waraha Waxey U Gudbeen Qeynta Vip Axmed Maxmamed Islaam Axmed Madowe Oo Warbahin Qeybta Nasiinta Kula hadlay Ayaa Sheegay In Rasilwasaraha Iyo Wafdiigisa Ay Kismaayo malmo joogi Doonaan

Rasilwasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadal kooban ka jeediyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo kaga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay in kismaayo uu joogi doono maalmo.Intaas Ka dib Wafdiga Rasilwasaraha Waxaa Loo Soo Galbiyey Gudaha Maaglada halkaas oo  ay Ku Sugnaayeen  Boqolaal Shacab iyo Masuliyin ka Tirsan Maamulka jubaland.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close