Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Janaasada Iyo Aaska Qaran Ee Wasiirkii Arrimaha Dastuurka XFS.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya   Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo jimcihii lasodhafay geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa shegay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay Soomaalinimada ku wayntahay, howl kar ah, daacad ah,  ka maran musuq-maasuq, shaqada badanaa  geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo.

Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close