Wararka
Xoghayaha Joogtada Ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo La Kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraha Jubaland.
Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland.
Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka.
Shirka ay yeesheen xogha iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay isku tashiga, qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaran ku jirto ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan ka tarjumayn danta mawaadiniinta, ayna soo dejiyeen dad aan Soomaali ahayn.
Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal qani ah, hadii la isku tashado oo si wadajir ah dadaal badan loo sameeyana laga baxayo faqriga iyo gaajada dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.
Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa billaawday in tubaha qaranka ee afarta ah ay u daadejiso heer dawlad gobaleed si ay u qaataan dawrkooda ku aadan dhaqan gelinta halbeegyada iyo howlaha tubaha, loogana dhabeeyo himilooyinka dadka Soomaaliyeed.